
Allaha u naxariistee Beeldaaje Axmed Mataan Xasan oo ka mid ahaa isimada dhaqanka ee Puntland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Marxuumka oo ahaa Beeldaajaha Guud ee Beesha Muuse Nooleys (Idigfacle) ayaa shalay soo gaaray Garoowe, isaga oo ka soo laabtay safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Masar.
Madaxda Puntland, isimada dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Beeldaaje Axmed Mataan Xasan.
Marxuum Beeldaaje Axmed ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2023 lagu caleema-saaray deegaanka Farjano degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, iyada oo munaasabaddii caleemo-saarkiisa ka qaybgaleen qaar ka mid ah isimada waaweyn ee Soomaalida.
PUNTLAND POST