
Dagaal ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilowday waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhawaqa hubka culus ayaa laga maqlayaa aaga xerada PSF oo u dhaxaysa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf iyo deegaanka Jeexdin, halkaas oo sidoo kale laga arko qiiq iyo uuro ka baxaysa.
Sidoo kale waxaa jira hoobiyeyaal ku soo dhacay qaar ka mid ah xaaladda magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sababay khasaare gaaray dad rayid ah.
Gooboha ganacsiga magaalada Gaalkacyo qaarkood ayaa xiran, iyada oo ammaankana aad aad loo adkeeyay oo ay xiran yihiin jidadka muhiimka ah ee magaalada.
Puntland waxay todobaadyadii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo ku daabushay ciidamo farabadan, kuwaas oo ay qaarkood go’doomiyeen xerada PSF, waxaana la dareemayay saansaanta dagaalka saaka qarxay.
Maahan markii ugu horreysay oo ay gudaha Puntland ku dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa PSF, dhowr jeer oo hore ayay ku dirireen magaalada Boosaaso iyo gobolka Bari.
PUNTLAND POST