Puntland oo sheegtay in hubkii ka soo degay koonfurta Gaalkacyo loo waday dhankeeda

Madaxtooyada Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalka ay deegaannadeeda ku soo daabulayso hub iyo ciidan, iyada oo xustay in hubkii maanta ka soo degay koonfurta magaalada Gaalkacyo loo waday dhankeeda.

Puntland waxay bogaadisay shacabka iyo maamulka Galmudug oo la wareegay qaar ka mid ah hubka maanta ka soo degay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Puntland waxay Beesha Caalamka ogaysiisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu colaad ka hurinayo gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, wixii taas ka dhashana uu mas’uuliyaddeeda qaadayo, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeedka.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqday shacabkeeda in ay ka digtoonaadaan faragelin amni oo ay tilmaantay in ay deegaannadeeda ka wado dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST