Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota! Q. 3-aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Iskuulka Dad-Weynaha ee Madaxa Bannaan (Public Charter School) isaguna wax weyn kagama duwana midkaas hore ee aan ka soo sheekeynay, wuxuuse leeyahay is maamul hoose oo uu u madax bannaanyahay hannaanka wax-barashada iyo maamulidda manhajka, inta badanna awooda maamulkiisa waxay ku urursantahay gacanta maamulka iskuulka oo inta badan ah cidda iskuulka furtay, taasoo ka dhigan in arday bulsho gaar ah oo ah midda uu ka soo jeedo maamulka iskuulka furay ay ardaydu u badato, dhaqanka loo badanyahay ee iskuulku leeyahayna uu midkooda noqdo, waana sababta inta badan ka dambeysa in bulshooyinka laga badanyahay loo oggolaado ama ay u furtaan iskuullada noocaan ah. Waxyaabaha badanaa iskuullada noocaan ah ay ku fiicanyihiin oo loogu xisho waxaa ka mid ah; in bulshada ay helaan iskuul ay iyagu furtaan, maamul aan looga turjumeyn oo afkooda ku hadlaya, in maalmaha iyo munaasabadaha waaweyn ee bulshadaas u dabbaal degto ay ardayda iyo shaqaalahaba la damaashaadaan ama la fasaxo…waxaana ardayga qayb ahaan ilaa 50% uu ku dhex noolaanayaa dhaqankiisii. Iskuullada noocaan ah waxaa badanaa iska leh bulshooyinka laga badanyahay ama u soo haajiray Mareykanka; Hmong, Liberian, Masaari, Mexican, SHiinaha, Soomaali…iyo kuwo kale, waxaana la sheegaa ilaa 8 kun oo iskuul inay ku yaalaan dalka Mareykanka oo dhan.

Sida Waaxda Wax-Barshada Gobolka Minnesota (MDE), boggeeda ku cad guud ahaan waxaa gobolka ka furan 173 iskuul oo ah Iskuullada Dad-Weynaha ee Madaxa Bannaan (Public Charter Schools) waxayna iskuulladaan bixiyaan barnaamij wax-barasho oo gaar u ah ardayda, iyo qoysaska doonaya inay helaan wax u bedela Iskuullada Dad-Weynaha (Public Schools) ee hoos tago degmooyinka, waana iskuul u furan ardayda oo dhan, waxaana maamula bulshada, waalidiinta iyo macalimiin haysta rukhsadda macallinimmada. Waxay arrintan ku tuseysaa fursad la siiyay bulshooyinka laga tirada badanyahay ee u cabsanaya dhaqankooda.

Iskuullada noocaan oo ilaa labaatameeyo ay u furanyihiin Bulshada Soomaalida ah, waxaana inta badan aan jirin waxa tabantaabin ah oo ka soo gaara bulshada ama xataa waalidiinta ardayda dhigata iskuulka. Waxaa jira xiriirka waalidka iyo iskuulka, waxaa jira xiriirka bulshada, waxaa jira guddiga iskuulka, kuwaasoo uu waalidka ama qofkii doonaya inuu iskuulka kabo uu la xiriir karo si uu wax uga ogaado baahiyaha uu dabooli karo ama uu ka caawin karo iskuulka.

Ardayda wax-barashada gaarka ah (Special Education)

Wax-Barashada Gaarka ah macnaheedu ma aha inay ka duwantahay midda ardayda ay si guud u qaadato hasa ahaatee waa habka ardayga u baahan caawinaadda dheeriga ah wax loo barayo, taasoo inta badan uu iskuulku siinayo dadaal dheeri ah si ardayga uu u soo gaaro heerka looga baahnyahay. Baahidaas ayaa siyaabo kala duwan ku imaan karta mana aha macnaheeda sida in badan oo bulshadeenna ka mid ah ay u fahamtay, wax liidaya shakhsiyadda ardayga, waxay ku imaan kartaa dhowr qaab oo ay mid tahay in ardayga uu xanuunsanyahay, ama dabeecaddiisa iyo siyaabo kale. Marka uu iskuulku arko in ardayga u baahanyahay caawinaad dheeri ah isagoo ku salaynay mid ka mid ah sababaha muujinaya in ardaygu caawinaad dheeri u baahanyahay buu iskuulku soo jeedinayaa ina ardaygaas u baahanyahay barnaamijka wax-barashada khaaska ah, soo jeedintaas ayaa waalidka ardayga waxaa loo sharxayaa in ardayga loo baahanyahay inuu ka mid noqdo barnaamijka wax-barashada khaaska ah.

Soo jeedintaas ka dib, waalidka ayaa laga rabaa inuu ka fekero soo jeedinta iskuulka isagoo maanka ku haya mustaqbalka wax-barasho ee ilmihiisa, taasi macnaheeda waxaa weeye inuusan waqtiga ku haboon ee ay caawinaaddaas wax tareyso cunuggiisa ka lumin, waxaana xusid mudan in iskuulku uu dhowr macallin oo kala duwan uu ardaygaas si shakhsi ah ula shaqeysa oo wax-barashada ka caawiye ay ku qorayaan, iyadoo mararka qaarkood ardaygaas la siinayo qaabab kala duwan oo wax-barasho, hadba sida ku haboon baahida uu ardaygaas qabo. DHinaca kale, inta uu ardaygaas ku jiro barnaamijkaas wax-barashada khaaska ah, waxaa garab socda qiimeyn sanadle ah oo joogta ah oo iskuulka ay waalidka la socodsiinayaan hadba xaaladdiisa heerka ay mareyso, iyadoo mar walba la weydiinayo waalidka dhinaciisa sida uu u arko qiimeyntaas, iyo waliba waalid ahaan haddii uu sidaas si ka duwan wax u arko ama uu jiro dareen uu qabo oo uu soo gudbinayo, ama talo dheeri oo u muuqata oo khuseysa wax-barashada cunuggiisa.

Qiimeyntaas sanadlaha ah, waxaa la socda cusbooneysiinta in ardaygaas uu barnaamijkaas ka sii mid ahaado iyo in kale, middaas oo oggolaanshaheeda mar kasta la weydiinayo waalidka, isla markaasna uu ka saari karo haddii ay la noqoto. Waxaa iyadana jirta weyddiin marar badan bulshada dhexdeeda soo noqnoqota oo ah in ardayga barnaamijkaas wax-barashada khaaska lagu daro ay diiwaanka u geleyso oo aysan waligiis  ka hareyn. Arrintaas oo aan run ahayn ayaa marar badan ay waalidiinta qaarkood ilmahooda oo u baahan uga reebaan fursaddaas run ahaantii wax ku oolka ah ee uu u baahanyahay ardaygooda, waxyna dhibaatada noocaas inta badan ka timaadaa iyagoo talooyinka ay u baahanyihiin inay ka ogaadaan barnaamijka wax-barashada gaarka ah aan weyddiin ciddii mudneyd inay weydiiyaan sidaasna xogo khalad ah ay ku soo gaaraan. Waxaa haboon waalidka inuu xasuusnaado in ay wuxuu yihiin wax-barasho, oo aysan melena ka soo geleyn waxyaabo la xiriira dabeecadaha noocaas ah, isla markaasna iyadoo guud ahaan arday kasta xogtiisa gaarka ah ee shakhsiyadeed ay dhowrsantahay oo aan la shaacin kareyn ay haddana middaan tahay mid si aad ah u dhowrsan.

DHaqammada kala duwan ee is diiddan…

Marka laga soo tago wax-barashada iskuulka, dabeecadaha bulshada ardayda ah ay iskuullada ku joogaan baa ardayga dhaqan u ah, taasi macnaheeda waxaa weeye in guud ahaan uu dalka Mareykanka yahay dal horu mar ka sameeyay dhinnacyo badan oo nolosha qofka ah,  isla markaasna ah meel ay u soo haajireen dadyow kala duwan, taasna waxaa ka dhashay in dalku uu yahay mid ay ku noolyihiin bulshooyin kala duwan; asal ahaan, muuqaal ahaan, dhaqan ahaan, diin ahaan, iyo siyaabo kale oo badan taasina waxay horseedday in mujtamaca guud ahaan dhaqanka iyo macaamilka ka dhexeeya uu noqdo ama u samaysmay si ay bulsho kasta ka soo durugtay qayb dhaqankeeda ka mid ah, waxaana samaysmay dhaqan tiirarkiisa ay yihiin xeerar iyo qawaaniin oo uusan jirin asal, dhaqan, caado, iyo hiddo la wadaago oo uu salka ku hayo. Dabeecadda noocaas ah waxaa ka soo baxay qawaaniin laga soo dhiraandhiriyay dhaqankii bulshadii dalka loogu yimid (DHaqan & Qaynuun) in kastoo dhaqankaas isaga ahaa uu hadda sii tirtirmayo.

Si kastaba ha ahaatee, bulshooyinka laga tirada badanyahay ee dalka Maraykanka u soo haajiray oo ay bulshada Soomaaliyeed ka midka tahay ayaa dhallintooda ay wajahayaan wareer faro badan oo ah inaysan dhaqanka gurigooda marka horaba ka dheregsanayn oo aysan si qoto dheer u fahamsanayn, taasina waxay keentay inay si fudud uga tagaan dhaqankooda, isla markaasna ay ka fogaadaan bulshadoodii, oo aysan ka soo muuqan kaalintii ay ahayd inay bulshada u buuxiyaan, waxaana xusid gaar ah mudan in iyadoo uu mar kasta yaryahay waqtiga ay u helaan inay bulshadooda ku dhex jiraan aysan haddana jirin wax qorshe ah ama dadaal ah oo la xiriira in loo sameeyo nidaam iyo meelo lagu baro dhaqanka wanaagasan ee bulshadiisa, tusaale ahaan; in Dugsiyada Qur’aanka lagu daro xisado (ugu yaraan 45 daqiiqo) maalmaha dugsiga la aado oo ardayda lagu baro Far-Soomaaliga iyo sheekooyin la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed ee wanaagsan. DHaqanka sidiisa waxaa asal u ah afka!…Qof kasta dhaqankiisa waa afka uu yaqaano dhambaalka dhaqameed ee uu xambaarsanyahay, af kasta oo lagu hadlo wuxuu ka soo bilowday dhaqan ay leedahay bulshada ku hadasha, jiritaanka dhaqan kastana waxaa tiir u ah afkiisa.

“Guurso “ DHeh!…”Aabe…Hooyo…”  DHallintu nuxurkooda ma dareemayaa?!

Sideeda dhaqanka wanaagsan ee aan dooneyno inay ilmaheena ama dhallinteena yeeshaan, waa dhaqankii dalkeenna ee aan ku soo kornay, waa dhaqankii aan ku baranay inaan kaga dayano waalidiinteen, waa dhaqankii aan ku baranay qaab nololeedkii quruxsanaa ee aan kaga dayanay dadkeenna, waa dhaqankii ka sameysnaa Han-Weynida, Ixtiraamka, Runta, iyo Xishoodka (Diinta).

 Nuxurka Aabe iyo Hooyo ama waalidka in ilmuhu uu garanayo waxay gun dhig u noqotaa dhismaha adag ee qoyska, waxayna suuro gelisaa in bulshada ay yeelato jiritaan muuqda oo uu ilaalinayo xiriir bulshanimo oo ku dhisan is-ixtiraam, kala dambeyn iyo wax wada qabsi. Nuxurka waaalidnimmada ee ah in baari loo noqdo waalidka ma aha mid ay dhallintu ku fahmaan hadal keliya iyo in loo sharxo, hasa ahaatee wuxuu u baahanyahay bulsho si ficil ah u turjunta nuxurkaas oo uu ilmaha kaga daydo, taas macnaheedu waxaa weeye in ilmuhu ugu yaraan soo arko dhaqanka bushadiisa, iyo sida ay u noolyihiin.

“Guurso” DHeh!…Waa dhab waalidiinta inay yihiin dad dadaalaya oo ka fekeraya aayaha faca soo socda, waxaase lama huraan ah si arrintaas u taabo gasho in waalidku fahmo waxyaabaha qaarkood inuusan ugu dhaqmin sidii waayadii uu dalka ku noolaa. Waxaad Ceeb U Taqaan Baa Nin Caadadii Ah! Waxaa caadi ah oo aan dhammaanteen ka war qabnaa in gabadhu leedahay wiil saaxiib ah ama wiilku leeyahay gabar saxiibtiis ah ay tahay dhaqan caadi oo waliba muddoo dheer hadda soo jiray, oo ay jiraan dhaqamo intaas ka xun oo guud ahaan in yar mooyee gobollada dalka oo dhan qaynuun laga dhigay in lagu dhaqmo. DHaqammada noocaas ah, ee ku salaysan dhaqankii xumaa ee ay la yimmaadeen qowmkii Nebi Luudh (Nabad Gelyadii Alle Dushiisa Ha Ahaatee) loo soo diray waa qayb ka mid ah nolosha bulshada weyn ee Mareykanka, oo aan ahayn wax la qarinayo. Mar haddi ay sidaas tahay, waxaa shaki la’aan ah in gabdhaha iyo wiilasha bulshada Soomaalida ah ee laga badanyahay ay maalin kasta dhegahooda iyo indhahooda ku soo dhacayaan sheekooyin faro badan oo dhaqammadaas la xiriira, markaas waxaa haboon in waalidiinta iyo dadka waaweyn aysan ka xishoon in ilmahooda Wiilal iyo Gabdhaba u sheegaan oo waliba si ku celcelis ah ku dhiiri geliyaan inay guursadaan. Wali waxaa jira waalidiin ama dad aan ilmaha kula dhiiran karin arrintaas, ama is leh waqti sii, hasa ahaatee middaas waxaa diiday waaqaca dhulka yaala oo ilmuhu wax badan oo dhaqan ahaan aan lagala hadli jirin ay tahay in lagala hadlo.

Qallin-Jebintii ardayda Bulshada Soomaalida ee Jaamacadaha Minnesota

Waxaa aad loogu han-weynyahay in sanadba midka ka dambeeya ay tirada dhallin-yarada bulshada Soomaalida ah ee ka qallin jebinaysa jaamacadaha Gobolka Minnesota ay sii korodho. Ardayda sanadkan ka qallin jebisay jaamacada Gobolka ayaa tiro ahaan lagu sheegay 90.000, iyadoo 40,298 ka mid ah ay ahaayeen heerka Bachelor-ka, kuwaa oo 7,448 ka mid ah ay ahaayeen arday ka soo jeedda bulshada Soomaalida ah, sida meelo kala duwan lagu shaaciyay, taasoo u dhiganta in 10 kasta oo ardayda qallin-jebisay ah ay 2 ka mid ah Soomaali ahayd. Waa tiro aad u fiican, iyadoo sida dad badan oo ka mid ah wax garadka bulshada ay qabaan inay tahay tallaabo dhiiri gelin u ah ardayda ka dambeysa iyaga. Waxaana maalmihii qallin jebinta la arkayay tiro aad u badan oo isugu jira waaliddiin iyo qaybaha kala duwan oo u soo baxay inay ardayda kula dammaashaadaan farxaddaas.

Xarumaha Bulshada Soomaalida (Somali Community Centers)

Waxaa lagama maarmaan ah in bulshado dadaal xooggan geliyaan sidii loo heli lahaa dhallin dhaqankooda yaqaan oo ku adadag, iyadoo loo hurayo maskax, muruq, iyo hantiba, waxaana haboon in maanka lagu hayo in mustaqbalka dhallin-yarada fiicnaantiisa ay ku xirantahay hadba inta uu la egyahay dadaalka maanta la geliyo, haddii ay tahay sidii dhaqankooda loogu ilaalin lahaa, diintooda, mid ahaanshahooda, wax wada qabsigooda, iyo haddii la meel marin karo nidaamyo wax-barasho oo la xiriira dhaqankooda oo siyaado ka ah wax-barashada caamka ah.

Arrintan oo u baahan in si buuxda oo aan kala har lahayn bulshada dhammaanteed uga qayb qaadato, haddii ay tahay mid dhaqaale ku bixiya, mid waqtigiisa iyo aqoontiisa geliya, ayaa haddana waxaa muuqanaya in kaalimaha hore looga baahanyahay Xarumaha Bulshada oo waxay noqon karaan sal-dhigga ay talooyinka ka guntamaan iyagoo qabanaya shirarka, isu keenaya mujtamaca weyn iyo dadka aqoontooda loo baahnayahay. Xarumaha Bulshada Soomaalida ayaa ku ammaanan gacanta ay ka geystaan tabantaabinta dadka waaweyn ee xarumahooda soo booqda ama caawinaadda u soo doonta, waxaase ayaamahan in dardar hor leh la geliyo u baahan caawinaadda ardayda laga siin jiray laylisyada iskuulka (homework). DHinaca kale Bulshada Soomaalida ah ayaa loo baahanyahay inay kor u qaadaan xiriirka ay la leeyihiin xarumaha kala duwan ee bulshada, Somali Confederation Community, Somali Benadir Community iyo kuwa kalaba, iyagoo u sheegaya hadba baahida u muuqata, ama dhibaatooyin ay bulshada wajaheyso, ama talooyin curis ah oo ay ku kordhinayaan, mana aha oo keliya in hawlaha caado ahaan lagu yaqaan aan wax lagu kordhin ama aan wax laga bedelin!… Minnesota waxaa ku yaal 10.000 harood, waana meesha uu ka bilowdo wabiga Mississippi, waa dhul biyood, markaas ilmo aan la carbin ama aan dabbaal baran (aan Wax-Baran ) inay ku noolaadaan way ku adkaaneysaa!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan