Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota! Q. 2-aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Dugsiyada qur’aanka markay iskuullada fasax yihiin

Waxaa arrin dhiiri gelin mudan ah in Dugsiyada Qur’aanka ay ka fekeraan diyaarinta barnaamijo muddada seddexda bil ee dhow-dhow ah ee ardayda iskuullada fasaxa ka yihiin, xilligaas waa fursad muhiim ah oo ardayda loo sameyn karo in labadii maalmood ee dugsiga ay ardayda imaaneysay ee Sabtiga iyo Axadda loogu daro maalin ama labo maalin oo kale, oo waqtiga barashada Qur’aanka xoogaa la kordhiyo iyada oo haddii qiime lagu dariyana uusan noqon qiimahaas mid macno dila ujeeddadii barnaamijka ee ahayd in ardayda waqtigaas looga faa’ideeyo, waana in dugsiga iyo macallimiinta ay huraan wax weyn. Waxaa kaloo dugsiga ama misaajidka uu sameyn karaa inay bilaabaan casharo ilmaha loogu talo galay oo habeen kasta ama maalin kasta ka baxa misaajidka ama hadba sida ugu badan; seddex habeen/maalin ama afar habeen/maalin hadba intii awoodu oggolaato. Waxaa kale oo dugsiyadu sameyn karaan inay ilmaha u diyaariyaan waxyaabo la xiriira xagga ciyaaraha iyo tartamo daraasaadka Islaamiga ah oo loo qabto dugsiyada. Barnaamijadan waxaa gacan ka geysan ganacsatada, iyo waalidiinta dugsiga. Dugsigu waa inuu la yimaadaa dabeecadda xilliga kuleylaha (Summer-ka) ah ay ilmuhu garan karaan inaysan ahayn xilligii qaboobaha laakiin ku salaysan dar-dar gelinta wax-barashada Islaamiga ah.

Iskuulka iyo ardaygeenna!

Marka laga hadlayo iskuulka waa qaybta ugu muhiimsan ee saamaeynta muuqata ku leh ardayga aan dooneyno inaan laga baadiyeyn diintiisa iyo dhaqanka guriga iyo bulshada. Sidaa aawadeed, waa inaan marka hore ka fekernaa oo aan isla fahamnaa in ilmahan yar ama ardaygan dhallin-yarada ah uu dhexda uga jiro dhaqamo badan oo kala duwan oo ka yimid guryo kala dhaqan duwan, oo mid kasta uu leeyahay saameyntiisa xumaan iyo sammaanba, dhaqammadaas faraha badan ee uu dhaqankeena ka midka yahay waa culeys faro badan oo uu cunugga kala kulmayo cadaadis weyn oo dhinacyo badan ah, oo marar badan uu dareemayo inay is diidanyihiin dhaqanka gurigooda.

DHaqammadaas oo in badan turunturooyin ku noqda inuu si buuxda u qaato dhaqanka bulshadiisa iyo qaab nololeedkeeda. Taasi  macnaheeda ma aha ama ulama jeedno in iskuulku uu xumeynayo dhaqanka ardayga, waxaanse ula jeednaa in iskuulka uu yahay meesha ugu badan ee ardaygu uu waqtigiisa inta badan uu maalin kasta ku qaato, isla markaasna uu kula kulmayo bulsho baaxad weyn oo aad uga tiro badan bulshada uu kula kulmo Dugsiga Qur’aanka iyo dhaqamo tiro badan oo kala duwan, iyo saaxiibo aysan kala maarmeyn inta ay wada joogaan iskuulka, oo ay wada hadlayaan, sheekeysanayaan, oo midba kan kale weel u yahay, bulsho u yahay, oo ay isku qasbeyso inay isu yihiin bulsho ay isku hayso baahida bulshanimmada, oo uu isku qasbayo rabitaan ay hoggaamineyso maaweellada caruurnimo iyo ciyaarta, iyo dhallin-yaranimmada ee ay u baahanyihiin bulsho ay la qaybsadaan. Xiriirka noocaas iyo wada joogista, wada ciyaarista, iyo wada sheekeysiga, heerkaas caruurnimmada ah, waxay gudbinayaan farriimo dhaqan oo arday kasta uu u qaadanayo si toos ah ama si dadban oo ay la koraan. Waxaana dhacda inta badan, in marka ugu horeyso uu ilmaha ka tago afkii u gaarka ahaa bulshadiisa, waana calaammadda ugu horeysa uguna muhiimsan ee caddeynaysa in ilmuhu uu dhaqankiisii ka tegay ama intiisii badneyd ka lumay, waayo afka wuxuu ku dhisanyahay macneynta dareenka, sharafta, ceebta, fiicnaanta, xummaanta, murugada, farxadda, iyo magacyada, iyo tilmaamaha iyo sifayaasha intaas aan soo sheegnay oo dhan, oo sifahooda uu macneynayo dhaqanka bulshada.

Ilmaha marka uu lumiyo afka, waxaa marka ugu horeysa ku adkaaneysa inuu fahmo nooca qoyskiisa, waxaana bilaabaneysa inay ku adkaadaan dabeecadaha dhaqan ee bulshadiisa, sidaas oo kale waxaa ku adkaaneysa inuu garto qiyaasta inta uu la egyahay dareenka heerarka kala duwan ee murugada iyo farxadda dhacdooyinka iyo munaasabadaha bulshada dhaqankeeda ah, wax kasta oo bulshadiisu ku dhaqantana wuxuu u arkayaa wax Duwan! Oo ka duwan waxa la quman Ilaa  uu marka dambe si uu ogyahay iyo si uusan darnsanaynba uu bilaabo inuu ka durko dhaqanka bulshadiisa. Arrintan waa walaac, waa walaac ay mar kasta wajahaan bulshooyinka ka haajira dalalkooda, waana arrin ay dhammaan bulshooyinka u soo haajiray ama qaxootinimada ku soo galay Mareykanka sida Soomaalida ay dareemayaan isla markaasna cabsi weyn ku haya oo ay uga baqayaan inuu tirtirmo dhaqankooda iyo aqoonsiga qowmiyadeed ee ay leeyihiin jiilasha ay ka tagayaan oo markaas uu ku dhaco wareer iyo inuu ka lumo dhaqankii ilaalin lahaa jiritaankooda, sharaftooda iyo  haybtooda qowmiyadeed.

Waxaa inta badan suuro gal ka dhiga in ilmaheena dhaqankooda laga saad caleeyo, waxaa  ugu muhiimsan waqtiga uu bulshadaas dhexdeeda ku qaadanayo ee uu iskuulka joogo  oo aad uga badan waqtiga uu bulshadiisa dhex joogo, oo wuxuu  iskuulka dhigtaa 5 maalin (Isniin-Jumce) maalin kastana ugu yaaraan 6 saacadood ama 6 saac iyo bar ama ugu badnaan 7 saacadood ayuu joogaa, waqtigaas waa midka iskuullada hoose iyo dhexe, iskuullada sare waqtigoodu waa 7 saac ilaa 8 saac, waxayna iskuullada badankood bixiyaan saacado dheeri ah, oo waqtiga caadiga ah ee wax-barashada marka uu dhammaado ka dib ah (After School) 2 saac ilaa 3 saac, waxaana sidaas ku dhammaada waqtigii iftiinka maalinimo oo dhan, oo saacadaha soo haray ilmuhu diyaar maskaxdooda uma aha wax kale oo aan ahayn nasasho, waxaana xusid mudan in isla xilligaas uu waalidkuna waqti u hayn ilmihiisa oo waalidkii  habeenkii shaqeynayay uu  markaas uu hurdo ka soo kacay oo shaqo isu diyaarinayo, midkii subaxnimmadii shaqeynayeyna uu isaguna markaas shaqadii ka soo baxayo oo uu daallanyahay. Wuxuu ardayga markaas si buuxda uga mid noqonayaa dhaqanka uu la joogo maalin kasta, waliba xilliyada u jirkiisa ugu firfircoonyahay, wuxuuna ka qaadanayaa guud ahaan dabeecadaha dhaqan ee qofka noloshiisa ku dhisantahay, tusaale ahaan;  ilmaha iskuullada dhigta, subaxdii waxay ka quraacdaan iskuulka, sidaasoo kalana waxay qadada ka cunaan iskuulka, ilaa uu marka dambe uu ka go’o cuntada guriga laga cuno ee hooyadu sameyso! Wuxuuna sidaas uga go’ayaa dhammaan cuntada guriga laga sameeyo.

Cunugga wuxuu ku weynaanayaa isagoo cunto gaar ah oo ka duwan middii gurigooda yeeshay, taasina waxay keeneysaa inay meesha ka baxdo inay ilmihii iyo waalidkii miiska cuntada soo wada fariistaan, ama goob keliya ku wada cunteeyaan, waxaana halkaas ku naafoobay dhaqankii is araggii xorta ahaa ee maalinlaha ahaa ee ay sida joogtada ah ugu kala warqaadan lahaayeen waalidka iyo caruurta miiska dushiisa, oo mararka qaarkood ilmaha cabashadooda ugu soo gudbin jireen waalidka, ama waalidka uu kula kaftami jiray ilmihiisa, ama u adeegsan jiray fursad uu ilmaha uga digo khataro uu arko, ama uu talo ay u baahanyihiin ku baraarujiyo. Waxaa taas ardayga u bedela cuntooyin uu suuqa ka soo cuno isagoo dusheeda kula sheekeysanaya arday sidiisoo kale soo nacay cuntadii gurigooda, tani waxay tusaalo buuxa oo muuqda oo la arki karo ay u tahay sida dhaqammada kale ee guriga ay si dhib yar ugu tirtirmi karaan,  ilmaha ama ardaygaas dhallin yarada ah sida uu uga tagay cuntadii bulshadiisa si la mid ah buu uga tegayaa dhaqamo iyo hab nololeed bulshadiisu leedahay oo qiimo ugu fadhiya.

Nooca Iskuulka

Mar haddii ay xaalladdu sidaas tahay, waxaa lama huraan ah in waalidku uu ka fekero nooca iskuulka uu ilmihiisa geynayo. DHammaan iskuullada dalka Mareykanka ayaa siyaasadda wax-barashadood iyo manhajkooda isku mid yahay, waxayse ku kala duwanyihiin nidaamka maamulka iyo hadba iskuulkaas sida dhaqammada ugu kala badanyihiin, sidaa daraadeed waalidka waa inuu si buuxda oo taxaddar ku jiro uu cunuggiisa ugu dooraa iskuulka uu geynayo. Aalaaba gobollada dalka Mareykanka waxaa laga helaa seddex nooc oo iskuul, 1- Public Schools ama sida aan ugu yeerno Iskuulada Dad-Weynaha: Iskuulka noocaan ah waxaa uu si buuxda u hoos tagaa oo lacag siisa dowladda, iyada ayaana ilaalisa oo la socota wax-barashadiisa iyo siyaasadda lagu maamulayo. Wax-Barashadiisu waa lacag la’aan, wuxuuna raacaa siyaasadda iyo nidaamka wax-barasho ee hadba gobolka uu ku yaal. Iskuulkan ma laha adeegyo hab nololeed ay bulsho si gaar ah u leedahay tix gelinaya, wuxuuse ku dhisanyahay adeeg guud oo mid ah oo lagu saleeyay bulshada ugu badan Mareykanka, wax kastana waxay ku salaysanyihiin dhaqanka iyo nidaamka guud ee wax-barashada dalka. Iskuulkan ayaa ka bilowda fasalka xannaannada caruurta ilaa fasalka 12aad (K-12) iyadoo uu iskuulka mar kasta ardayda ka qaadanayo deegaanka uu ku yaal, oo ardayda wuxuu ku qaadanayaa cinwaanka deegaankooda inuu yahay deegaanka uu iskuulka ka tirsanyahay.

2- Public Chaarter Schools ama Iskuulada Dad-Weynaha ee Madaxa Bannaan: Iskuuladan noocaan ah oo iyagu hadda muddo 30 sano wax dheer ka dhaqan galay Mareykanka, marka laga reebo 3 maamul goboleed oo kala ah Nebraska, South Dakota, iyo Vermont oo aan iyagu lahayn ama xeerkooda uusan oggoleyn iskuullada noocaas ah. Wuxuu hoos tagaa dowladda, inta bandanna iyada ayaa lacag ku bixisa, iyadoo qayb ahaan ay tahay inay bulshada kabto, wuxuuna leeyahay nidaam is-maamul oo madax bannaan oo aan hoos tegeyn nidaamka iskuulada dad-weynaha ee gobolka ku yaal. Waxay leeyihiin nidaam aad u wanaagsan oo fududeynaya manhajka wax-barashada, qaabka wax-barashada, iyo guud ahaan dhaqanka iskuulka. Puclic Charter Iskuul, waxaa furi kara hal qof, ama koox, ama haddii ay Hay’adda Maamulka Iskuullada Dad-Weynaha ee Madaxa bannaan ay dareento baahi loo qabo iskuul noocaas ah iyada ayaa fureysa. Waxaa iskuullada noocan laga khafiifiyay xeerarka waaweyn ee gobolka ee la xiriira sida uu u shaqeynayo iyo maamulka, waxayse xeerarka kala mid yihiin iskuullada dad-weynaha (Public Schools) tusaale ahaan; wax-barashada lacag kuma qaadan karaan, xiriirna lama yeelan karaan hay’ad diini ah.

3-Iskuullada Gaarka ama Private-ka ah: Iskullada noocan ah waa iskuulo sida magacabu tilmaamayo gaar ah oo aan dhaqaalo ahaan ku tiirsaneyn dowladda ama aan lagu maal gelin canshuurta dadka laga qaado, waxayna ku tiirsanyihiin dhaqaalaha ay ka helaan ardayda wax baristooda, waxayna deeqo kale inta badan uga yimaadaan meelo gaar ah oo ay ka mid yihiin bulshada ardayda wax ku barata, iyo kaalmooyin kale, maxaa yeelay iyagu kama tirsana nidaamka guud ee iskuullada hoos taga dowladda isla markaasna ay lacagta siiso, waxayna bixiyaan wax-barasho faa’idooyin gaar ah leh iyo qaab dhismeed haboon. Aalaaba Iskuullada Gaarka ah waxay ku sameysmaan baahi gaar ah oo ay dareemaan qayb ka mid ah bulshooyinka kala duwan ee dalka ku nool, waxaana fura qof ama urur, inta badanna waxay xiriir la leeyihiin iskuulladaas nidaamyo diineed, ama dhaqan gaar ah, tusaalaha ugu fiican ee Minnesota waa Iskuulka Amal, waana iskuul wax barashadiisu aad u wanaagsantahay, ilmahana lagu baro Qur’aanka, iyo afka carabiga. Iskuullada Gaarka ah, sida uu magaca tilmaamaya waa in lahaanshihiisu gaar yahay, waxaana shaki la’aan ah inay jirto sabab gaar ah oo cidda furtay ay u dooratay inuu iskuulkaas noqda iskuul gaar ah oo ay ilmahooda u doorayaan, taasoo noqon karta; ilaalinta dhaqankooda, wax-barasho tayo sareysa, diin…iyo wixii la hal maala.

Waxaa loo baahanyahay waalidka marka hore inuu yaqaan dabeecadaha iskuulka uu ilmaha geynayo, ama xataa uu kala tashado dad uu is leeyahay talo ayeey kugu kordhin karaan inaad cunuggaaga u hesho iskuul ku haboon noloshiisa qofeed isla markaasna uu ka helayo aqoonta uu u baahanyahay, waxna aan u dhimeyn dhaqan ahaan, arrintan waa muhiim marka laga fiiriyo shakhsiyadda ardayga iyo horumarka aqooneed ee uu ardayga sameynayo, waliba marka aad ka soo jeeddo bulsho laga tiro badanyahay, dhaqankeedana uu gooni ka yahay bulshada inteeda badan. Waalidku waa inuu ka fekeraa in iskuulka uu aqoonta ugu xilanayo uu marka hore yahay mid aan himmadda ardayga wax u dhimeyn, waxaana talo aad u wanaagsan ah in mar kasta waalidku  iskuulka uu ilmaha u doorayo uu noqdo mid dhinacyo badan laga fiiiriyay oo uu ka baaraan degay, xog bandanna uu ka hayo qiyaastii inta ay la egtahay aqbalaadda uu dhaqanka cunuggiisa ka helayo iskuulka.

La soco qaybta saddexaad (Q. 3-aad)

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan