Iska hor-imaad ka dhacay koonfurta Gaalkacyo

Wararka ka imanaya koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in hor-imaad galabta ka dhacay halkaas, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Galmudug iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Iska hor-imaadka oo sababay dhawaac soo gaaray ilaa saddex qof ayaa yimid, kaddib markii ay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo degan duleedka magaalada Gaalkacyo ay la wareegeen gaari siday hub ka soo degay garoonka diyaaradaha Galmudug, kaas oo la sheegay in uu u socday ciidamada federaalka ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Dadka ku dhaawacmay iska hor-imaadka waxaa la sheegay in uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Galmudug Cabdinaasir Mareexaan.

Maamulka Galmudug ayaa weli ka hadlin iska hor-imaadka ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo hubka soo galay dhankooda halka uu u socday.

Dhanka kale Puntland ayaa markale ku eedeeysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay hub ku soo daabulayso magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay sheegtay in uu khatar ku yahay amniga gobolka Mudug.

PUNTLAND POST