
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay dhalasho uu ka haystay dalka Kenya.
Jibriil Cabdirishiid oo tagay safaaradda dowladda Kenya ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa mas’uuliyiintii halkaas joogtay u dhiibay baasaboorkii uu ka haystay dalkaas, oo xusay in uu lahaa dhowr iyo labaatan sano.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad Soomaaliya wuxuu qof kasta oo Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Kenya ka codsaday in uu iska celiyo, islamarkaana ay ku kalsoonaadaan baasaboorka dalkooda Soomaaliya.
Jibriil wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhawaan laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay baasaboorka Kenya ku qaateen sifo aan sharci ahayn.
PUNTLAND POST