Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka degay Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka degay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu Laascaanood uu yimid ka qaybgalka munaasabad lagu xusayo sanad-guuradii koowaaad ee ka soo wareegtay asaaska maamulka Waqooyi Bari, taas oo lagu wado in ay caawa dhacdo.

“Waa ku faraxsanahay in aan markii 3-aad imaada caasimadda midnimada Soomaaliyeed (Laascaanood) waxaan idin kugu imid inaan farxada sanad-guurada idinla wadaago, waa idin jeclahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Waa markii saddexaad oo Ra’iisul Wasaare Xamse tago magaalada Laascaanood, booqoshadii ugu horreysay wuxuu tagay 12 Abriil 2025, halka markii labaad uu tagay 16 Jannaayo 2026.

PUNTLAND POST