
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno wasiiro, saraakiil ciidan iyo la-taliyaal ah ayaa maanta magaalada Boosaaso shir kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Maraykanka, gaar ahaan hawlgalka
AFRICOM oo uu hogaaminayay Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo dowladda Maraykanka, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale Puntland iyo Maraykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Heshiiska ayaa Puntland sheegtay in uu dowladda Maraykanka u ogolaanayo in ay saldhig rasmi ah ka sameysato magaalada Boosaaso si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah argagixisada iyo suggidda amniga badaha.
Puntland waxay xustay in ay ka go’an tahay la dagaalanka argagixisada iyo cadow kasta ee wax u dhimi kara amniga, xasiloonida iyo horumarka Puntland, kan Soomaaliya & guud ahaan Geeska Afrika.
PUNTLAND POST