Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay taliyaha Calmiskaad iyo saraakiil kale

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha aaga Calmiskaad Col. Maxamuud Shire Maxamed iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka howlgalka ciribtirka argagixisada ee Calmiskaad, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Kulankan wuxuu yimid, xilli maanta ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ay ku dhinteen qarax lagula eegtay deegaanka Sheebaab ee degmada Qandala.

PUNTLAND POST