
Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 askari ku geeriyootay qarax miino oo maanta ka dhacay deegaanka Sheebaab ee degmada Qandala.
Qaraxa ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay geeriyoodeen dhammaan askartii saarnayd gaarigaas.
Ma ahan markii ugu horreysay oo waddooyinka qarax loogu aaso ciidanka Puntland ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, marar badan ayaa qaraxyo khasaare kala duwan geystay ka dhaceen waddooyinka ay isticmaalayaan.
Ururka argagixisada ah ee Daacish oo awoodoodii la wiiqay sanadkii hore ee 2025 ayaa ku dhuumaaleysta buuraha Calmiskaad, iyaga oo mararka qaar gaysta weeraro qaxyo u badan.
PUNTLAND POST