Somaliland: Taliye Maraykan ah oo kulan la qaatay Cirro

Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika Major General Claude K. Tudor Jr. iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta tagay Somaliland ayaa la kulmay madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxmaan Cirro.

Kulanka waxaa looga hadlay sugidda amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaanba amniga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa tilmaantay in ay Somaliland tahay deegaan muhiim ah marka la eego ilaalinta amniga Marin-biyoodka gobolka (Badda Cas, Bab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed) isaga oo xusay in amniga xeebaha maamulkiisa uu yahay qayb ka mid ah amniga gobolka iyo kan caalamkaba.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu si cad u tibaaxay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow oo amni la yeelato Maraykanka, si loo xoojiyo la-dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee saamaynta ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Maraykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah oo quseeya berriga iyo baddaba, isaga oo xusay in xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ahi ay yihiin mudnaan muhiim u ah labada dhinacba.

Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku diyaar u yahay in uu Somaliland si dhow ugala shaqeeyo arrimaha amniga, isla markaana la sii xoojiyo wada-shaqaynta, xog-is-dhaafsiga khibradaha iyo iskaashiga amniga.

PUNTLAND POST