
Caasimadda Garoowe waxaa maanta ka dhacay dabaal-deg weyn oo lagu xusay sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Puntland oo ahayd sanadkii 1998.
Xuska oo lagu qabtay bartamaha magaalada Garoowe waxaa ka qayb galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha golaha wakiillada, madaxweynihii hore ee Puntland, ahna senator ka tirsan aqalka sare Cabdiraxmaan Faroole, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo kumanaan shacab ah.
Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo gaadiid ciidan oo badan ayaa dhoolatus iyo gaado ka ciyaar ku maray waddada bartamaha magaalada Garoowe.
Caawa ayaa lagu wadaa in ay Garoowe ka dhacdo munaasabad kale oo khudbado ka jeedin doonaan madaxda sare ee Puntland.













PUNTLAND POST