
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sabab aan la ogayn u baajiyay khubad uu caawa ka jeedin lahaa munaasabad ka dhacday Garoowe oo la xiriirtay xuska 1-da Agoosto.
Madaxweyne Deni ayaa berri galinka hore Boosaaso kula kulmi doona wafdi Maraykan ah oo hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika Major General Claude K. Tudor Jr.
Kulanka Puntland iyo Maraykanka waxaa lagu wadaa in looga hadlo iskaashiga labada dhinac ee amniga, gaar ahaan amniga badaha, la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda.
Wafdiga Maraykanka waxay maanta tageen Somaliland, iyaga oo la kulmay madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxmaan Cirro.
PUNTLAND POST