
Garoowe (Faallo PP) — Berri Puntland waxaa laga xusi doonaa 28 guurada asaasidda is-maamulkii ugu horreeyay Soomaaliya 1991kii kaddib oo u taagan dhowrista midnimada iyo qarannimada Soomaaliya. Dadka Puntland waxay isku raacsan yihiin taariikhda la asaasay Puntland, laakiin iskuma raacsana sida loo asaasay. Shalay, Madaxweyne Deni wuxuu ku dooday in xaallada 2026 ka jirta Puntland siyaasad ahaan ay la mid tahay tii taagnayd sanadkii 1997kii.
Isku Qurxinta Taariikhda
Marka laga hadlayo taariikh waxaa jira wax la yiraahdo “anachronism”, oo marka af Soomaali loo tarjumo noqon kara “ maqli-jirey-doon”. Waa marka qofku waxa maanta jira u ekeysiiyo inuu waa hore jiri jiray, ama waxa waa hore jiray ula ekaado, ama, uu ku doodo, inuu hadda jiro.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku dooday in Maxamed Abshir Muuse, oo ahaa hoggaamiyihii SSDF II, taageersanaa Masar halka Cabdullaahi Yuusuf uu taageersanaa Itoobiya, oo loollan kula jirta (y) Masar. Run ma aha. Ma jirin siyaasi si cad ula loollamay Maxamed Abshir Muuse ka hor fashilkii Shirkii Qaahira ee 1997. Maxamed Abshir Muuse ma lahayn aragti gaar ah oo u janjeertay Masar. Ka hor shirkii 1997 ku burburay Qaahira, oo Masar u qabatay siyaasiyiinta Soomaaliya gaar ahaan labadii garab ay kala hoggaaminayeen Cali Mahdi Maxamed iyo Xuseen M. F. Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu ahaa Guddoomiyihii Arrimmaha Degdegga ee SSDF II. Dadka ka soo horjeeday isaga, waxay u badnaaayeen dad ku eedeynayay inuu burburiyay SSDF markii fadhigeedu ahaa Itoobiya siddeemaadki iyo inuu heshiis la galay Jeneral Caydiid sanadkii 1993kii, heshiiskaas oo saldhig u noqday nabadeynta Gaalkacyo.
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ka hor yimid aragtidii Masar oo talada Soomaaliya ku soo koobtay Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho. Waxaa xusid mudan in 1997 Boosaaso lagu qabtay shir caalami ah oo ku saabsan carruurta. Waxaa BBC Laanta Af Soomaaliga uga soo warramay shirkaas Cabdullaahi Xaaji oo Boosaaso yimid. Maanta Deni wuxuu ka tirsan yahay Isbahaysiga Mustaqbalka Soomaaliya oo aan ka duwaneyn labadii garab uu Cabdullaahi Yuusuf ka hor yimid 29 sano ka hor.
Cabdullahii Yuusuf wuxuu keenay aragti ah in la dhiso maamul Hartinimo ku dhisan. Taageerada siyaasadeed ugu badan wuxuu ka helay siyaasiyiintii iyo madaxdhaqameedkii Dhulbahante iyo Warsangeli oo aan ka mid ahayn maamulkii SSDF oo dib loo abaabulay 1991kii kaddib.

Puntland marnaba ma ahayn aragti ka timid Itoobiya. Dhisidda Puntland waxaa soo bandhigay Cabdullaahi Yuusuf Axmed. May ahayn aragti qof ama dad lagu xumeynayay. Waxay ahayd argati dunida lagu tusayay inay jirto meel kale oo aan ahayn Hargeysa iyo Muqdisho. Puntland waxay noqotay maamulka si cad u taageerayay midnimada Soomaaliya sababtoo ah Muqdisho waxay u kala qeybsanaynd Waqooyi iyo Koonfur; Hargeysa waxaa ka jiray welina ka jira maamul diiddan qarannimada Soomaaliya.
Isbeddelo xusid mudan
Isbeddello waa weyn ayaa dhacay tan iyo sanadkii1998. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu adeegsaday waaya-aragnimadiisii dhisidda Puntland oo wuxuu ku tilmaamay maamul ka hortagaya kala goynta Soomaaliya. Waa sababta uu taageero badan uga helay beelaha kale ee Soomaaliyeed markii 2004 loo doortay madaxweynaha dowladdii federaalka Soomaaliya oo ku meelgaar ahayd. Cabdullaahi 10 sano ayuu hoggaaminta ku jiray (1998-2009). Taliskii TPLF ee Meles Zenawi wuxuu soo gabagaboobay 2018. Dagaal sokeeye ayaaa ka dhacay Tigray 2020-2022, lagana cabsi-qabo in dagaal dib uga qarxo halkaas.
Deni wuxuu ku dooday in Itoobiya tahay “waaqic jira.” Miyuusan Deni ogeyn in, isagoo ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, ay Dowladda Federaalka Soomaaliya heshiis gaar ah la gashay Itoobiya si ciidanka Itoobiya dib loogu celiyo Soomaaliya. Heshiiskaas wuxuu meesha ka saaray heshiis Dowladdii Federaalka ee Ku Meelgaarka (TFG) iyo Isbahaysigii Dib u Xoreynta Soomaaliya (ARS) ay kala saxiixdeen 2008 si Ciidanka Itoobiya looga saaro Soomaaliya.
Had iyo jeer Itoobiya waxay xiriir la leedahay dowladda Soomaaliya ka jirta. Siyaasaddaas ayay adeegsanaysay markii ay xiriirka la lahayd dowladihii isku xigxigay oo ay kala hoggaaminayeen (Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo).

Madaxweyne Deni wuxuu u eg yahay hoggaamiye taagan sanadkii 1997. Waa sababta ay Puntland u fahmi la’dahay isbeddelada Soomaaliya ka dhacaya. Galmudug waxaa la asaasay 2006, siddeed sano kaddib markii Puntland la asaasay. Waxay doorasho qof iyo cod ka dhacday Galmudug 2026, seddex sano kaddib markii ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacday Puntland (2023).
Waa run in Puntland, sida Juxaa ku dooday, tahay “shaybaarka siyaasadda Soomaaliya”. Dadka Puntland waxaa haysata faa’iido-darrada ku soo horreynta suuqa siyaasadda heer qaran. SSDF wuxuu ahaa ururkii kowaad oo dagaal kala hortagay dowladdii kacaanka, hase ahaatee 1991 SSDF ma jirin. Reer miyi ayaa ka hortagay ciidammadii USC oo aad u hubaysnaa una tababbarnaa. Puntland waa maamulka keliya oo u qareemayay habka federaalka laakiin markii Soomaaliya yeelatay dowlad aan ku meelgaar ahayn, Puntland waxaa dhisidda hay’adaha kaga dheereeyay maamul federaaleedyadii dhismay goor dambe.
Is go’doominta siyaasadeed ee Puntland
Maanta Puntland waxay ka qatan tahay deeqaha horumarinta, maalgelinta dhisidda ciidammada ka sokow in ciidanka Puntland dagaal la galay Daacish. Puntland ma oga dakhliga ka soo gala shatiyada kalluumeysiga lagu bixiyay magaca Puntland. Ogaansho la’antan maaliyadeed waxay sababtay in Puntland lagu ciqaabay inay ka horjeeddo habka dhaqaalaha federaalka oo faraya maamullada inay soo sheegaan dakhliga soo gala. Puntland waxay 2023 xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo aan ka baaraandegin saameynta go’aankaas ku yeelan karo kaalinta Puntland ku leedahay federaaleynta Soomaaliya.
Haddii aad aragto siyaasi ka hadlaya taariikh, waa inaad ogaato inuu dhacdooyinka taariikhda u fasiranayo si uu iskugu tilmaamo inuu isagu taagan yahay “wanaagsan ee taariikhda”. Waa taariikhdii ay dad badan oo uu Deni ka mid yahay ku soo barteen dugsiga hoose iyo dugsiga sare muddadii kacaankii Siyaad Barre dalka ka talinayay. Kacaanku wuxuu dowladii rayidka ku tilmaamay “dowladdii musuqmaasuqa.” Sida uga fiican oo dadka Puntland u fahmi karaan loollammadii socday 1997 iyo 1998 waa inay raadsadaan nuqullo wargeyska Kaaha Bari. “Warku waa qabyoqoraalka kowaad ee taariikhda” ayuu uu qoray saxafi ka tirsanaa Washington Post. Sanadguuro wanaagsan reer Puntland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
© Puntland Post, 2026