Garoowe: Deni oo ka qaybgalay bandhiga Buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Garoowe kaga qaybgalay bandhiga Buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika ee qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda iyo bini’aadantinimada gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Deni ayaa ku boggaadiyay Danjire Afey wakhtiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ku bixiyay buuggan oo uu sheegay in uu muhiim u yahay dadka Soomaaliyeed iyo guud gobolka oo dhan.

Buugga Baadigoobkii Nabada Geeska, waa buug dhigaal taariikheed ah oo ka faaloonaya shaqadii uu Danjire Afey soo qabtay, dadaalkii laga soo maray dawlad-dhiska Soomaaliya iyo dabino badan oo loo qoolay.

Qoruhu waxa uu muujiyey xilkasnimo, xeeladaha xalinta khilaafaadka iyo qar-iska xoornimo uu u galay xal u helida Soomaaliya.

PUNTLAND POST