Nabad & Nolol oo ka hortimid in dalka lagu celiyo kumeelgaar

Xisbiga Nabad & Nolol ee hoggaamiyo madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid dalabkii Golaha Mustaqbalka ee ahaa in Soomaaliya lagu celiyo kumeelgaarkii 2012.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka tirsan xisbiga Nabad & Nolol ayaa sheegay in aysan mucaaradka ku raacsanahay aragtida ah in dalka lagu celiyo kumeelgaar.

“In maanta la dhaho dalka kumeelgaarkii halagu noqdo waa fikir aan si qoto dheer looga baaraan degin” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi bixiyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalbashada kumeelgaarka ay ceeb iyo fadeexad weyn ku tahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii la doortay markii kumeelgaarka laga baxay 2012, mar labaadna dib loo doortay 2022.

Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in Soomaaliya lagu celiyo hannaankii kumeelgaarka ee ay ka baxday 2012, islamarkaana talada dalka lagu wareejiyo gole kumeelgaar ah.

Golaha Mustaqbalka ayaa dalabkan ku sheegay warqad qoraal ah oo ay maalmo ka hor u direen Beesha Caalamka oo shir arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo uu 31 bishan Luulyo uga furmayo dalka Uganda.

PUNTLAND POST