Gen. Jimcaale oo ka hadlay xiisadda Gaalkacyo

Ciidanka uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar ee Danab ayaa ka digay weerar ay Puntland ku qaado ciidanka PSF.

War-saxaafadeed ay soo saareen ciidanka Danab ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu hurinayo colaad sokeeye, islamarkaana uu weerar ku yahay cidkasta oo ka aragti duwan.

Waxay sheegeen in xiisadda jirta magaalada Gaalkacyo ay tahay mid salka ku haysa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxaysa dad isku haya hoggaaminta Puntland.

Ciidanka Danab waxay tilmaameen in dagaal iyo colaad sokeeye oo ka dhacda deegaannada Puntland uu ma’suuliyadeeda qaadayo madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST