Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerar lagu qaaday masjidka Al-Aqsa

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar lagu qaaday masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, kaas uu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah oo ay weheliyaan kooxo xagjir ah iyo ciidamada ammaanka Israa’iil.

“Falkaani wuxuu ka dhigan yahay xadgudub weyn oo lagu sameeyay karaamada iyo xurmada mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef ku ah dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee dunida ku nool” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay taageersan tahay shacabka Falastiin iyo difaaca goobaha barakaysan ee diimaha ku yaalla Qudus.

Waxay ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah ee kicinta xambaarsan isla markaana la hubiyo isla xisaabtan ku aaddan cid kasta oo ku lug leh.

Sidoo kale Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada in ay muujiyaan is xakameyn isla markaana ay u istaagaan wadahadal miro dhal ah oo lagu gaari karo nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST