
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka wada hadlay arrimaha socdaalka labada dal oo muddooyinkii dambe uu ka jiray isfahanwaa iyo hadal hayn.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaan Cali oo magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Musalia W Mudavadi.
Hadal qoraal ah oo ka baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay ka wada hadleen arrimaha socdaalka, iyada oo la xusay in ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha iyo fududeynta isu socodka shacabka labada dal.
Kulankan ayaa yimid, kaddib markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya laga soo celiyay safarro ay muddooyinkii u dambeeyay ku aadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay baasaboorka Kenya ku qaateen sifo aan sharci ahayn.
Dhacadii ugu dambaysay ayaa ahayd markii dowladda Kenya ay axadii garoonka diyaaradaha Nairobi ka soo celisay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Abshir Bukhaari, taas oo dhalisay hadal hayn xoogan.
PUNTLAND POST