
Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku qabtay baabuur Noah ah oo waday 250 tuute ah, kaas oo ka soo baxay dhinaca Galmudug, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.
Booliska Puntland ma shaacin halka loo waday tuutahan, balse waxay tilmaameen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo cidkasta oo ku lug lahayd kala gudbinta agabkan ciidan.
Qabashadan agabkan ciidan waxay timid, xilli duleedyada magaalada Gaalkacyo ay degan yihiin qaar ka mid ah ciidamo sheegtay in ay ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Booliska Gaalkacyo ayaa sheegay in ay xalay qabteen xubno ku eedeysan dilal ay ka geysteen gobolada kale ee Puntland, kuwaas oo howlgal ciidan lagu qabtay.
Laamaha amniga Gaalakcyo ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo isku raacay adkeynta nabadgalyada iyo in laga hortago ficilada nabadda waxyeelaya.
PUNTLAND POST