
Maamulka Somaliland ayaa beeniyay warar saacadii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegayay in Hargeysa laga sii daayay qaar ka mid ah maxaabiista Waqooyi Bari ee halkaas ku xiran.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Barkhad Jaamac Batuun oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aysan jirin maxaabiis ay wareejiyeen.
Barkhad Batuun ayaa yiri “ma jirto meel maxaabiis lagu wareejiyay, waana arrin u taalla xukuumadda”. Barkhad wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay dhagaha ka fureystaan wararka kicinta iyo been abuurka.
Hadalka wasiir Barkhad wuxuu ku soo adaay, xilli shalay baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari uu soo saaray qaraar lagu maxkamadeynayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku haya in ka badan 200 oo maxbuus, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii Goojacade ee 25 Agoosto 2023, halka maamulka Somaliland uu hayo maxaabiis aan tiradooda la xaqiijin oo lagu qabtay dagaallo ka dhacay Sool iyo Sanaag.
PUNTLAND POST