
Ciidamada PSF ayaa baneeyay xaruntoodii magaalada Gaalkacyo ee Puntland, iyaga oo u guuray xaafadda Baraxley ee dhanka maamulka Galmudug.
Ciidamada PSF oo xaruntooda labaad ee Puntland ku lahaa meel u dhow garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxay guureen kaddib markii ay agagaarkooda soo dageen ciidamo farabadan oo ka tirsan Puntland.
Ciidamada PSF ayaa dhanka Galmudug la aaday 5 gaari oo ay haysteen, waxaana xaruntoodii ciid carakaabo ah ku jartay dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.
PSF oo hadda sheegta in ay ka tirsan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa dhawaan lagala wareegay 8 gaari, kaddib dagaal ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso.
Puntland waxay sheegtay in aysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamadeeda difaaca iyo ciidan ka tirsan Federaalka oo ka howlgala deegaannadeeda, sida lagu xusay war-saxaafadeed habeen hore ka soo baxay madaxtooyada.
PUNTLAND POST