
Maamulka Waqooyi Bari ayaa berri oo axad ah qorshaynaya in uu xasaanadda ka qaado shan xildhibaan oo ka goostay Laascaanood.
Xeer-ilaalinta guud ee maamulka Waqooyi Bari ayaa maalmo ka hor warqada dalbashada xasaanad ka qaadista 5-ta xildhibaan u gudbisay baarlamaanka, kuwaas oo lagu sheegay xildhibaan Makhtal Siciid Maxamed, xildhibaan Cabdisalaan Cabdullaahi Maxamed, xildhibaan Sadiiq Jaamac Muuse, xildhibaan Axmed Cali Maxamed iyo xildhibaan Axmed Caabi Shire.
Maamulka Waqooyi Bari ma caddeyn halka ay aadeen xildhibaanada, balse warar madax bannaan waxay sheegayaan in ay hadda ku sugan yihiin Itoobiya, ayna qorsheeyeen in ay u goostaan Somaliland.
Dhawaan waxaa Somaliland u goosatay Fahiima Yuusuf Quuje oo ka tirsanayd baarlamaanka Waqooyi Bari, islamarkaana saameyn weyn ku lahayd maamulka.

PUNTLAND POST