
Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa meelmariyay maxkamadeynta maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay warqad uu caawa soo saaray golahaas.
Goluhu wuxuu go’aamiyay in xukuumaddu ay si degdeg ah maxkamad u horgeyso maxaabiista ku xiran xabsiyada magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ku sheegeen dambiilayaal xasuuq, barakicin iyo dambiyo kale u gaystay shacabka Waqooyi Bari.
Baarlamaanka Waqooyi Bari wuxuu adkeeyay in dacwadda maxaabiistaas loo fuliyo si hufan, caddaalad ah, islamarkaana la dhowro xuquuqaha uu sharcigu dammaanad qaaday.
Go’aankan ayaa yimid markii maamulka Somaliland uu soo farageliyay arrimaha maamulka Waqooyi Bari, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka qaraarkan soo saaray.
Baarlamaanka Waqooyi Bari wuxuu maanta xanaanadda ka qaaday shan xildhibaan oo ka goostay Laascaanood, kuwaas oo ay ku eedeeyeen khayaamo qaran.

PUNTLAND POST