
Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Dagaalkan oo daba socda dagaallo soo noqnoqday oo dhiig badan ku daatay ayaa wararku sheegayaan in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada.
Dagaalka ayaa ka dhacay, kaddib markii ay dowladda Puntland deegaankaaas ka soo qaaday ciidamo muddooyinkii dambe ku sugnaa oo ku dhexjiray maleeshiyaadka labada beelood.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo maanta ka hadlay dagaalkan ayaa ugu baaqay labada beeleed in ay xabbadda joogaan oo nabada qaataan.
Dowladda Puntland iyo odayaasha dhaqanka ayaa lagu eedeeyaa in ay ka gaabiyeen xal u helida colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada beeleed ee ku dagaalamaya Sanaag.
PUNTLAND POST