
Qaar ka mid ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa sheegay in uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya iyaga iyo dowladda, kaas oo la xiriira khidmado cusub oo ay dekedda ku soo rogtay shirkadda DP World.
Ganacsatada waxay tilmaameen in shirkadda DP World aysan fulin heshiiskii ay dhawaan la gaareen dowladda, islamarkaana lagu khasbay in ay bixiyaan khidmadihii ay ka cabanayeen.
Ganacsatada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay si degdeg ah dib-u-eegis loogu sameeyo nidaamka khidmadaha MT/CBM ee DP World ka hirgelisay dekedda Boosaaso iyo in DP World lagu amro in ay caddeyso sababta iyo habka loo dejiyay khidmadaha cusub.
Ganacsatada Boosaaso waxay ku baaqeen in la sameeyo isbarbardhig rasmiya oo u dhexeeya khidmadaha laga qaado dekedaha Boosaaso, Berbera iyo Muqdisho, iyaga oo xusay in farqi weyn u dhaxeeyo.
Ganacsatada waxay ugu baaqeen madaxweyne Deni in uu soo farageliyo khilaafka u dhexeeya iyaga iyo shirkadda DP World ee la xiriira nidaamka khidmadaha MT/CBM.


PUNTLAND POST