
Puntland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub soo gelisay magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay tilmaantay in lagu khalkhal gelinayo deegaannadeeda.
Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo wareysi siiyay Radio Gaalkacyo ayaa sheegay in ay hubkaas caddeyntiisa hayaan, islamarkaana uu hadda yaallo qaybta Galmudug.
Wasiir Dujaana wuxuu xusay in ay Puntland qaadi doonto tallaabooyin ammaan oo ay isku difaacayso, kuwaas oo ay kaga hortagayso qorshaha ay waddo Dowladda Federaalka.
“Magaalada Gaalkacyo waxaa la soo galiyay hub la rabo in lagu khalkhal galiyo ammaanka Puntland, anaguna waxaanu qaadaynaa talaabooyin ammaan” ayuu yiri wasiir Dujaana.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli hadlin eedeynta Puntland iyo wararka sheegaya in ay hub soo gelisay magaalada Gaalkacyo.
Xiisad amni oo u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe taagnayd, iyada oo maalmo ka hor ay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso ku dagaalameen ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwa ka amar qaata Federaalka.
PUNTLAND POST