
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo khamiis ahayd cod gacan taag ah ku ansixiyay wax-ka- bedelka xeerka urrurada iyo xisbiyada siyaasadda Puntland oo ay meelmihii la soo dhaafay ka doodayeen.
Guntanka fadhiga oo ahaa 37 mudane, waxaa ku codeeyey oggol 33 xildhibaan, waxaa diiday 2 mudane, halka ay ka aamuseen 2 kale, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha Cabdirisaaq Axmed Siciid.
Wax-ka- bedelka xeerka urrurada iyo xisbiyada siyaasadda Puntland ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta dimuqraadiyadda, horumarinta hannaka axsaabta badan iyo hubinta in doorashooyinka Puntland ku qabsoomaan hannaan sharci oo hufan.
PUNTLAND POST