Ilaalada Liibaan Shuluq oo dad shacab ah ku dilay Caabudwaaq

Xiisad ayaa ka taagan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaddib markii ay shalay ilaalada musharaxa Galmudug Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) ay halkaas ku dileen ugu yaraan labo qof oo rayid ah.

Ilaalada badan oo watay Liibaan Shuluq ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo ka qaybgalay soo dhaweyn degmadaas loogu sameeyay musharaxa, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan labo qof iyo dhaawaca tiro kale.

Maamulka degmada Caabudwaaq iyo kan Galmudug ayaa weli ka hadlin dilka iyo dhaawaca dadka rayidka ah loo gaystay, taas oo ay sababay ololaha musharax Liibaan Shuluq.

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa wafdiga Liibaan Shuluq ee tagay Caabudwaaq. Liibaan Shuluq ayaa ah musharaxa ururka dowladda ee JSP uu u wata madaxweynaha Galmudug.

PUNTLAND POST