Puntland oo soo afjartay dagaalkii Laag

Ciidamada Puntland ayaa saaka la wareegay ilaa 8 gaari oo ay la haayeen ciidamada PSF, kuwaas oo shalay ka dagaalamay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso.

Gaadiidka, hal askari oo meyd ah iyo labo kale oo dhaawac ah ayaa la sheegay in loogu tagay goobihii ay shalay ku sugnaayeen ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ciidamadii PSF waxaa la sheegay in ay xalay lug ku galeen magaalada Boosaaso, halka kuwa ay isu soo dhiibeen ciidamada Puntland, kaddib markii ay ilaa shalay go’doonsaayeen.

Weli waxaa xiran isu socodka gaadiidka oo kala taagan kantaroolka Boosaaso iyo deegaanka Kalabayr, kaddib markii ay shalay joojisay dowladda Puntland.

PUNTLAND POST