Puntland oo qabatay ciidamadii PSF ee ka baxsaday Laag

Ciidamada Puntland ayaa maanta qabtay dhammaan ciidamadii PSF ee xalay ka baxsaday deegaanka Laag ee degmada Boosaaso, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen Puntland Post.

Ciidamadan waxaa la sheegay in lagu qabtay dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya deegaanka Laag iyo magaalada Boosaaso. Ilaa 70 askari oo PSF ah ayaa noqday wax la qabtay iyo kuwa isu soo dhiibay ciidamada Puntland.

Sidoo kale isu socodka gaadiidka ee waddada xiriirisa Puntland ayaa maanta dib loo furay, kaddib markii shalay ay dowladdu ka xirtay inta u dhaxaysa Boosaaso iyo deegaanka Kalabayr.

Gaadiidkii tiknikada ee lagala wareegay ciidamada PSF ayaa la geeyay magaalada Boosaaso, kuwaas oo gaarayay ilaa 8 gaari oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi-bilaha.

Taliska ciidamada PSF ee hoggaamiyo Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano weli kama hadlin dagaalkii ka dhacay Laag iyo gaadiidka, hubka & ciidanka laga qabtay.

PUNTLAND POST