
Laamaha amniga Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ku xiray wariye Shubayb Daad Maxamuud oo ka mid ahaa wariyayasha ka howlgala deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.
Xiriga wariyaha waxaa xaqiijisay warbaahinta uu ka shaqeeyo ee Sahal Cable TV, waxayna war ay soo saartay ku tiri “wariye Shucayb Daad ayaa hada lagu xiray magaalada Boosaaso, waxaana xiray hay’adda PISA”.
Xariga wariye Shucayb Daad wuxuu u soo beegmay, iyada oo ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo la xiriira caqabadaha ay wajahaan wariyeyaasha ka howlgala deegaannada Puntland.
Waa wariyihii saddexaad oo ay Puntland xirto muddo todobaadyo gudahood iyo kii labaad oo Boosaaso lagu xiro, kuwaas oo aysan jirin eed rasmi ah oo loo soo jeediyay.
PUNTLAND POST