Puntland: Wararkii u dambeeyay ee xiisadda Laag

Weli waxaa deegaanka Laag ee degmada Boosaaso isku horfadhiya ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland iyo kuwa ka tirsan PSF, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay mararka qaar isweydaarsanayay rasaas aan sababin khasaare.

Arrintan waxay sababtay in uu istaago isu socodka gaadiidka isticmaalo waddada xiriirisa deegaannada Puntland, iyada oo aan wax gaadiid ah ka gudbayn inta u dhaxaysa kantaroolkii hore ee Boosaaso iyo deegaanka Kalabayr.

Waxgarad ka soo jeeda degmada Qardho ayaa hadda magaalada Garoowe kulan kula leh madaxweyne Deni, iyaga oo kala hadlayo sidii xal looga gaari lahaa xiisadda Laag ee u dhaxaysa dowladda iyo PSF.

Xiisadda Laag waxay timid kaddib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo halkaas degan ay diideen in ay gudbaan kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidmada PSF, kuwaas oo ka yimid magaalada Boosaaso.

Puntland waxay hore u joojisay in ay ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya dhaqdhaqaad ka sameeyaan ama isaga gudbaan deegaannadeeda.

PUNTLAND POST