Dekedda iyo goobaha ganacsiga Boosaaso oo dib loo furay

Waxaa saaka oo axad ah dib loo furay dhammaan goobaha ganacsiga iyo dekedda Boosaaso, iyada oo magaalada la dareemayaa mashquul badan iyo dhaqdhaqaaq ganacsiga oo xooggan.

Shalay ayaa heshiis laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay ganacsatada iyo dowladda, kaas oo la xiriiray khidmado cusub oo ay soo rogtay shirkada maamusha dekedda Boosaaso ee DP World.

Dowladda iyo shirkada DP World ayaa ganactada ka dhimay khidmadihii ay cabashada ka qabeen, waxaana lagu heshiiyay tacriif cusub.

Maciishadda daruuriga ah ee deegaannada Puntland oo intii ay xirnaayeen ganacsiga iyo dekedda Boosaaso kor u kacay ayaa hadda sidoodii hore ku soo noqday.

PUNTLAND POST