
Degmada Jariiban waxaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyay Ibraahim Axmed Kooshin oo lagu helay in uu dilay taliyihii saldhiga booliska degmadaas Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.
Qisaasta oo ka dhacday goob faraage ah waxaa fushaday dadkii xaqa u lahaa, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Eheladada labada dhinac ayaa shalay galinkii dambe isku wareejiayay marxuumka saaka la qisaasay.
Hooyada dhashay taliye Guuleed oo fagaare kula hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay qaddartii ku dhacday wiikeeda ay ku qanacday, islamarkaana ay haatanna ku faraxsan tahay in la toogtay ninkii dilay.
Shalay galinkii dambe waxaa aas ballaaran lagu sameeyay degmada Jariiban marxuum taliye Guuleed Kadleeye, kaas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.
Labada marxuum ee la isu qisaasay waxay ahaayeen qaraabo aad isugu dhow, waxaana dilkii hore iyo qiyaasta u dhaxaysay waqti ka yar 48 saac.
PUNTLAND POST