Gen. Jimcaale oo yimid Garoowe

Taliyaha ciidamada Danab Gen. Jimcaale Jaamac Takar ayaa caawa soo gaaray magaalada Garoowe, kaddib markii xubno ka tirsan guddiga dhexdhexaadinayay isaga iyo dowladda Puntland ka soo ka xeeyeen magaalada Laascaanood.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa Garoowe ka taagnayd xiisad la xiriirta imaanshaha Gen. Jimcaale, balse ugu dambayn xal ayaa laga gaaray arrintaas.

Wadahal aan weli dhammaan ayaa u socda Gen. Jimcaale iyo dowladda Puntland, kaas oo ay ka garwadeen ka yihiin qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal. Ma cadda in taliye Jimcaale uu la wada shaqayn doono Puntland & dowladda federaalka iyo in uu mid u go’i doono.

Gen. Jimcaale wuxuu dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda sare ee federaalka, waxayna Puntland aaminsan tahay in loo magacaabay taliyaha qaybta 54-aad ee ciidamada xoogga dalka.

PUNTLAND POST