Puntland oo sheegtay in ay hay’adaha gargaarka ka joojisay deegaannadeeda

Puntland ayaa sheegtay in ay hay’adaha gargaarka ka joojisay deegaannadeeda, iyada oo ku eedeysay in ay ku milmeen siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ay baalmareen mabaadi’dii hoggaamin jirtay kaalmada caalamka.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland Cabdinaasir Xaaji Yuusuf ayaa yiri “hay’adaha gargaarka ka shaqeeya, gaar ahaan kuwa Location-ka sameeya waxaa u sheegaynaa mashaariicda horumarineed ee aan ka arki wayno danaheena in aan ka joojinay deegaannadayada”.

Puntland ayaa tilmaantay in waxa yar ee gargaarka ah ee hadda Soomaaliya la siiyo ay ka hesho wax u dhigma 1%, islamarkaana inta kale ay helaan gobollada Koonfurta ee Soomaaliya.

Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka iyo hay’adda caalamiga ah in aysan baahi ku saleyn gargaarka loogu talagalay Soomaaliya, balse ku saleeyaan siyaasad.

PUNTLAND POST