
Waxaan aad uga walaacsanahay xirnaanshaha dekedda, shirkadaha ganacsiga iyo suuqa weyn ee magaalada Boosaaso, kadib khidmado iyo canshuuro dheeraad ah oo ay soo rogtay xukuumadda talada haysa.
Xaaladda ka taagan magaalada Boosaaso ma aha muran u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada oo keliya, waa xaalad dhaqaale oo saameyn toos ah ku yeelanaysa nolosha qoys kasta oo reer Puntland ah. Sidaas darteed, waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo xalliyo tabashada ganacsatada iyo cabashada bulshada.
Dunidu maanta waxay ku jirtaa marxalad dhaqaale oo adag, iyadoo la wajahayo sicir-barar iyo caqabado dhaqaale oo ka dhashay colaadaha Bariga Dhexe iyo carqaladaha ku yimid marinadii ganacsiga caalamiga ahaa. Intaas waxaa sii dheer shaqo la’aanta, abaaraha iyo duruufaha dhaqaale ee gudaha ka jira.
Xilligaan adag, waxaa laga filayaa dowladda inay yareyso culayska saaran shacabka iyo ganacsiga, halkii ay sii kordhin lahayd khidmadaha iyo canshuuraha keeni kara kororka qiimaha maciishadda, hoos u dhaca ganacsiga iyo gaabis ku yimaadda koboca dhaqaalaha.
Boosaaso ma aha deked keliya, waa halbowlaha dhaqaalaha Puntland. Haddii dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Boosaaso istaago ama daciifo, saameyntu kuma ekaan doonto magaalada oo keliya, balse waxay gaari doontaa guud ahaan Puntland.
Mas’uuliyadda dowladdu kuma koobna ururinta canshuuraha oo keliya. Waxay sidoo kale leedahay waajib ah inay dhegeysato cabashada bulshada, ilaaliso xasilloonida dhaqaalaha, dhiirrigeliso maalgashiga iyo ganacsiga, kana shaqeyso sidii muwaadiniintu u heli lahaayeen nolol wanaagsan.
W.Q: Guuleed Saalax Barre