Dowladda Soomaaliya oo hoos u dhigtay calanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in muddo saddex maalmood ah hoos loo dhigo calanka, kaddib geerida ku timid amiirkii hore ee Qadar Sheekh Xamad bin Khalifa Al Thaani.

Go’aankan ayaa la sheegay uu yahay mid lagu muujinayo murugada iyo garab istaagga ay dowladda Soomaaliya la wadaagayso dowladda iyo shacabka Qadar, iyada oo la xusay doorka iyo xiriirka dhow ee labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay fartay dhammaan hay’adaha dowladda in ay si buuxda u fuliyaan amarka hoos u dhigista calanka inta lagu jiro muddada saddexda maalmood ah.

PUNTLAND POST