
Qiimaha maciishadda daruuriga ah ee Puntland ayaa kor u kac ku yimid, taas oo ay sababtay muddo toban berri ah oo ay xiran tahay dekedda magaalada Boosaaso.
Qiimaha raashinka ayaa kor u kacay magaalada Boosaaso, waxaana qaarkood ku kordhay lacag gaaraysa dhowr doolar, tusaale kiishka sonkorta ah oo markii hore marayay 27 doolar wuxuu maanta gaaray 33 doolar.
Sidoo kale arrintan waxay sababtay in ganacsato badan oo ku xirnaa dekedda Boosaaso, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida ay u wareegeen dekedda Berbera oo qiima dhimis lagu sameeyay canshuurta iyo raashinka, sida ay ogaatay Puntland Post.
Dekedda Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland ayaa xirmatay kaddib markii ganacsatada wax lala soo dega diideen khidmad cusub oo ay soo rogtay shirkadda maamusha ee DP World, taas oo aysan weli ka hadlin xukuumadda madaxweyne Deni.
PUNTLAND POST