
Wiil da’ yar oo lagu magacaabo Maxamed Diiriye Catoosh ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dilka ayaa ka dhacay faaxadda Garsoor, waxaana wararku sheegayaan in ay gaysteen koox burcad ah oo doonayay in ay telefoon ka furtaan marxuumka. Marxuumka waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa ardaydii sanadkan dhammaysay dugsiyada sare ee Puntland.
Booliska gobolka Mudug oo ka hadlay dilka wiilka yar waxay tilmaameen in ay wadaan baaritaan, islamarkaana ay ku dabajoogaan koox lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen falkaas.
Taliyaha Saldhigga Booliska Warshad Galay, Mahad Siciid Axmed ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay si dhow ula socdaan baaritaanka iyo raadraaca eedeysanayaasha, islamarkaana ay socdaan dadaallo lagu soo qabanayo dad looga shakisan yahay falkaas.
PUNTLAND POST