Rahm Emanuel: Zohr Mamdani ayaa Netenyahu kaga taageero badan dhallinyarada Yuhuuda ee Maraykanka

Emanuel Rahm oo muxaadaro ka jeedinaya Jaamacadda Tel Aviv maanta.

Qudus (Wararka PP) — Rahm Emanuel oo mar ahaa Duqa Magaalada Chicago ayaa sheegay in Netenyahu uu soo afjaray taageeradii shuruud la’aanta ahayd oo uu Maraykanku siin jiray Isra’iil. Rahm oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa shalay Tel Aviv kula kulmay Madaxweynaha Isra’iil. “Waa in Israa’iil oggolaato Falastiin oo dal ah” ayuu Rahm yiri.

“Dhibaato ma dhextaallo xisbiga Dimuqraadiga iyo Israa’iil. Dhibaato waxay dhextaallaa Israa’iil iyo Maraykanka. Isbeddel faceed ayaa dhacay. Duqa Magaalada New York Zohran Mamdani ayaa Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Ra’iisal Wasaaraha Isra’iil, kaga taageero badan dhallinyarada Yuhuuda ee Maraykanka oo da’doodu ka hooseyso 30 sano. Israa’iil hadda waa tuke cambaar leh. Way lumisay Maraykanka, waxay heshay Somaliland. Hooyaday waxay dhihi lahayd ‘waxaas baa heshiis ah!’” ayuu Rahm u sheegay wariye ka tirsan Kanaalka Keshet 12.

Rahm Emanuel: “Israa’iil hadda waa tuke cambaar leh. Way lumisay Maraykanka, waxay heshay Somaliland. Hooyaday waxay dhihi lahayd ‘waxaas baa heshiis ah!’”

Rahm wuxuu muxaadaro ka jeediyay Jaamacadda Tel Aviv. ”Netenyahu wuxuu gaarsiiyay xiriirka Maraykanka Iyo Israa’iil meel aan hore loo sii socon karin. Arrimmuhu ma sii ahaan karaan sidii hore” ayuu yiri Rahm.   

© Puntland Post, 2026