Madaxweyne Deni oo furay shirweyne maamul daadajin

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garoowe ka furay shirweyne loogu magac-daray xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta hay’adaha dowladda.

Shirkan oo ay ka wada qeybgaleen goleyaasha Puntland, heerarka kala duwan illaa heer degmo iyo Ciidanka Booliiska Puntland ayaa la sheegay in looga hadlayo sidii loo dardargelin lahaa maamul daadajinta iyo horumarinta wadashaqeynta hay’adaha

Hanti-dhowrka guud, wasaaradaha, Taliska Ciidanka Booliiska iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland ayaa madasha ku soo bandhigay heerka wadashaqeynta dowladda iyo horumarada laga sameeyay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, baahiyaha bulsho ee ka jira deegaannada iyo soodeejinta wax looga qabanayo baahiyahaasi.

PUNTLAND POST