
Dekedda magaalada Boosaaso ayaa xiran oo aan wax shaqo ah ka socon muddo sagaal berri ah, kaddib markii ganacsatada wax kala soo dega diideen khidmad cusub oo ay soo rogtay shirkadda maamusha ee DP World.
Ganacsatada Puntland waxay ku doodayaan in khidmada cusub tahay mid sarreysa oo aysan aqbali karin, halka shirkadda DP World ay ku adkaysanayso in khidmadahaasi ay dhaqangasho oo aysan ka laaban doonin.
Dowladda ayaa weli soo faragelin ama ka hadlin arrinta sababtay in dekedda Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland xirtaato muddo ka badan todobaad.
DP World oo muddo 10 sano ah maamulaysa dekedda Boosaaso waxaa lagu eedeeyaa in ay lacago farabadan ka qaado ganacsatada, islamarkaana aysan weli sidii loogu talagalay u fulin heshiiskii laga galay ee ballaarinta iyo casriyaynta dekedda.
PUNTLAND POST