
Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka digay soo gelinta iyo ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga soo saaro deegaannada Puntland, isagoo xusay in tallaabadan looga golleeyahay ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka sii kordhaya ee dhirta.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in amarkani ku saleysan yahay qodobbada 8-aad iyo 16-aad ee Xeerka Ilaalinta Deegaanka Puntland, islamarkaana uu daba socdo cabashooyin la xiriira xaalufka ka socda qaar ka mid ah deegaannada Puntland.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa faray dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka in ay adkeeyaan kormeerka gaadiidka lagu qaado xaabada iyo dhuxusha, islamarkaana ay qabtaan cid kasta oo ku xadgudubta amarkan.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu uga digay dadka ku lugta leh arrimahan in ay jebiyaan amarkan, isagoo caddeeyay in cid kasta oo lagu qabto soo gelinta ama ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
PUNTLAND POST