Xal laga gaaray xiisaddii Garoowe

Kulan maalmahan magaalada Garoowe ee caasimadda Putland uga socday qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ugu dambeyn xalay ku soo dhammaaday is-afgarad iyo xal laga gaaray xiisaddii u dhaxaysay Gen. Jimcaale iyo dowladda.

Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen Madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxman Maxamed Farole, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, Wasiirka Caafimaadka Puntland Maxamed Cabdiraxman Farole iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa looga hadlay ammaanka magaalada Garoowe, xaaladda Puntland iyo tan Soomaaliya.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu guul ku dhammaaday shirkii maalmihii la soo dhaafay u socday waxgaradka Nugaal ee looga hadlayay xiisadda Gen. Jimcaale iyo dowladda.

Inkastoo aan la faahfaahin qodobadii ka soo baxay shirka, hadana warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in lagu heshiiyay in ay wada shaqeeyaan dowladda iyo ciidamada uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale ee Danab.

PUNTLAND POST