
Hal qof ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay dhanka bari ee magaalada Garoowe, gaar ahaan aaga loo yaqaan SABCO.
Shilka waxaa sababay gaari Probox ah iyo gaari Iskarogo ah oo isku dhacay, waxaana halkaas ku dhintay darawalkii gaariga yar, kaas oo meydkiisa la geeyay isbitaalka guud ee Garoowe.
Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxaa Garoowe iyo agagaarkeeda ka dhacay ku dhawaad 10 shil oo khasaare sababay, waxaana xusid mudan in ay badankood ka dhaceen aaga beri ee magaalada, islamarkaana ay badankood sababeen baabuurta yar yar ee loo yaqaan Probox.
Shilalka badan ee ku soo badanaya caasimadda Puntland iyo agagaarkeeda ayaa badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.
PUNTLAND POST