
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay kulan ay shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubno ka socda xisbigiisa Nabad & Nolol iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in la sii wado hannaanka wada-hadalka loo dhan yahay ee la xariira arrimaha doorashooyinka, iyada oo la hiigsanayo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed, amni iyo horumar baraare leh.
Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo dhexdhexaadinaysay labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo mucaaradka Nabad & Nolol.

PUNTLAND POST