
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qaybgalay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday dalka Hindiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada, xoojinta dowladnimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada marxuumka, isaga oo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu kasiiyo ehelkii, qaraabadii, dhaqanka soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
PUNTLAND POST